golis

Maraykanka oo raafay Tiradii ugu badneyd ee dadka aan sharciga Heysan

Ciidamada Maraykanka ayaa raafay boqolaal dad kasoo jeeda dalalka Latinka oo sharci la’aan ku joogay wadankaasi.

Arbacadii shalay ayaa la sheegay in gobalka Mississippi ee koonfurta Maraykanka lagu xiray in ku dhaw 700 qof oo ka shaqeenayey xarun lagu qalo Hilibka, raafkan oo noqonaya kii ugu balaarnaa oo dalkaasi ka dhaca 10kii sano ee lasoo dhaafay.

Raafkan ayaa kusoo beegmay xili dalkaasi Maraykanka ka socoto baroor-diiqda loo sameenayo dadkii ku dhintay weeraradii maalmihii lasoo dhaafay dhacay, gaar ahaan weerarkii ka dhacay magaalada El Paso ee gobalka Texas oo lagu dilay dad intooda badan kasoo jeeda dalka Mexico, weerarkaasi ayuu geystay mid kamid ah taageerayaasha Trump oo cunsuri ah kaasi oo cadaawad gaar ah u qabay dadka Latinka oo uu sheegay inay soo buuxiyeen oo ay la wareegayaan wadanka Maraykanka.

Xukuumada Trump ayaa iyadu wada olole balaaran oo ka dhan ah dadka Qaxootiga ah, soogalootiga iyo kuwa kale ee aan weli sharciga degenaanshaha heysan siyaasadaasi oo ah mid uu Madaxweynaha Maraykanka doonayo inuu taageero uga helo dadka Cadaanka ah ee neceb dadka laga tiro badan yahay ee wadankaasi ku dhaqan.

Horseed Media