golis

Milateriga Soomaaliya iyo Alshabaab oo Ku Dagaalamay Awdheegle ( SAWIRRO)

Ciidamada Milateriga Soomaaliyeed ee Kumaandooska oo labo maalmood ka hor la wareegay degmada Aw-dheegle ee Gobolka Shabeelada Hoose ayaa sheegay inay iska difaaceen Weerar ay ku soo qaadeen Maleeshiyaadka Alshabaab.

Saraakiisha Hoggaaminaysa ciidamada ayaa sheegay inay khasaare gaarsiiyeen Maleeshiyaadkii Alshabaab oo ay ka dileen 4 qof halka 5 kalena ay ka dhaawacay,

Ciidamada Federaalka oo howlgalo ka wada gobolka shabeelaha hoose ayaa degmada Awdheegle iyo nawaaxigeeda ka qabsaday Ururka Alshabaab oo maamuliyay degaankaasi muddo dheer.

Dhinaca kale, Warbaahinta taageerta Alshabaab ayaa sheegtay in Maleeshiyaadka Alshabaab ay weerar ku qaadeen saldhigyo ciidamada Federaalka ay ka samaysteen degmooyinka Awdheegle iyo Afgooye, hase yeeshe ma sheegin khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.

HORSEEDMEDIA