golis

Pakistan oo xiriirka u jartay dalka INDIA

Dowlada Pakistan ayaa heegan gelisay ciidamadeeda isla markaana xiriirkii diblulmaasi iyo ganacsi u jartay wadanka ay jaarka yihiin ee India, kadib markii xukuumada Hindiya ay burburisay ismaamulkii qeybta ay maamusho ee gobalka Kashmiir.

Safiirkii India u fadhiyey caasimada Pakistan ee Islamabad ayaa dalkiisa dib loogu celiyey waxayna sidoo kale Pakistan kala baxday India safiirkii halkaasi u fadhiyey.

Wadanka Pakistan ayaa dacwad shalay u gudbiyey Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay kadib markii Dowlada India ay sheegtay inay laalshay qodobka dastuurka India ee 370 oo gobalka Muslimiinta ee Kashmiir u ogolaanaya ismaamul u gaar ah.

Tilaabadan ayey Pakistan ay sheegtay inay ka horimaaneyso heshiiskii xabad joojinta ahaa oo ay horey labada wadan u saxiixdeen. Labada dal ee jaarka ah ayaa isku heysta maamulka gobalka Kashmiir oo ay dalalkaasi kala maamulaan.

Horseed Media