golis

Shucayb Xasan Cali ayaaa kaalinta 1aad ka galay imtixaanadii Dugsiga Dhexe.

Shucayb Xasan Cali Maxamed ayaa noqday ardeyga ugu sareeya Imtixaankii Sanadkan ee ardayda fasalka 8aad ee deegaanada Puntland, 97% ayuu ku galay kaalinta koowaad, Shucayb waa arday wax ka barta Dugsiga Hoose Dhexe ee Girible – Boosaaso.

Iskoolkan waxaa dhigta ardeyda ka soo jeeda qoysaska danyarta ah ee degen Xeryaha Barakacayasha ah ee Magaalada Boosaaso xarunta Gobolka Bari.