golis

Yemen: Dagaal dhexmaray Ciidamada Dowlada iyo Maleeshiyaadka Imaaraatiga taageero

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay iskahorimaad magaalada Cadan ku dhexmaray Ciidamada Madaxtooyada Yemen iyo Maleeshiyaadka kooxaha gooni u goosadka ah ee koonfurta Yemen ee taageerada ka helaya dowlada Imaaraatiga.

Kooxaha u ololeenaya gooni u goosadka Koonfurta Yemen iyo Dowlada Caalamka uu aqoonsayahay ee Yemen oo xarumahooda yihiin magaalada Cadan ayaa ka wada mid ah isbaheysiga xulafada Sacuudiga & Imaaraatiga ee la dagaalamaya maleeshiyaadka shiicada ah ee Xuuthiyiinta.

Xiisada ka dhex taagan dowlada iyo kooxaha koonfurta Yemen ayaa waxaa la sheegay inay la xariirto taageerada militariga oo ay kooxahaasi ku sugan cadan ka helayaan Dowlada Imaaraatiga oo garab siisay dhaq dhaqaaqa gooni-isu-taaga Koonfurta Yemen, arrintan oo si weyn uga careysiisay Madaxweynaha Yemen Hadi oo u arka hawlaha imaaraatiga wado mid lagu faro-gelinayo Madax-banaanida dalkiisa.

Qaramada Midoobay oo baaq kasoo saartay dagaalka ka dhacay magaalada Cadan ayaa ugu baaqday dhinacyada iska soo horjeeda inay joojiyaan dagaalka.

Iska horimaadkii dhacay Arbacadiis shalay ayaa yimid xili magaalada Cadan ay ka dhaceysay munaasabad Aas Qaran ah oo loo qabanayey maleeshiyaad badan oo kamid ah Kooxaha Koonfurta oo dhawaan ku dhintay weerar Gantaal oo ay Xuuthiyiinta kusoo qaadeen magaalada Cadan, waxaana la sheegay in ay rasaas dhexmartay kooxahaasi iyo Ciidamada Madaxtooyada kadib markii dadkii ku sugnaa aaskaasi ay bilaabeen inay ku dhawaaqaan hadalo ka dhan ah dowlada Yemen.

Horseed Media