golis

Dawlada Federaalka oo shuruudo ku xirtay Aqoonsashada Doorasho ka dhacda Jubaland.

War Saxaafadeed kasoo baxay Wasaarada Arimaha Gudaha Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa walaac looga muujiyay hanaanka loo wajahayo Doorashada Jubaland, Wasaaradu waxay shuruudo ku xirtay aqoonsashada doorasho ka dhacda jubaland. Qodobadaan ayaa u dhignaa sidatan:-

1: In Liiska Odayaasha Dhaqanka Ee Xildhibaanada soo xulaya la waafajiyo diiwaanka dhaqanka ee Wasaarada Arimaha Gudaha Federaalka.

2: In marka hore la dhamaystiro soo xulista xubnaha Golaha Wakiilada Baarlamaanka Jubaland, Ka dibna uu Baarlamaanka cusubi cusubi iska dhex doorto gudigga doorashooyibka gudoonka golaha wakiilada iyo Madaxweynaha Jubaland.

3: In doorashadu ku dhacdo hanaan daah-furan oo xor iyo Xalaal ah.