golis

Madaxweyne Farmaajo oo Stadium Banaadir Ugu Magac Daray Eng Yariisow.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo maanta magaalada Muqdisho uga qaybgalay kulan duco iyo baroor-diiq ah oo loo sameeyay Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Eng Cabdiraxmaan Yariisow ayaa si rasmi ah u shaaciyay in Garoonkii Kubada Cagta Banaadir loogu magacdaray Eng Yariisow.

Kulankaan ayaa lagu soo bandhigay taariikhdii iyo kaalintii uu Dawladihii Dalka soo maray uu ku lahaa, Waxaana si wada jir ah rabi looga baryay in uu u naxariisto oo janatul fardawsa geeyo.

Kulankaan ayaa kusoo beegmaya xili xalay Wasaarada Amniga ay soo saartay warbixin la xiriirta qaraxii ka dhacay Gudaha Gobolka Banaadir oo dhaawac gudoomiyaha kasoo gaaray uu u dhintay.