golis

Nin La Dhashay Hoggaamiyaha Xuutiyiinta Yemen oo La Dilay

Dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta Yemen ee dagaalka kula jira isbahaysiga Sucuudiga ayaa sheegay in la dilay nin la dhashay hoggaamiyahooda. ninka la dilay ayaa lagu magacaabaa Ibraahim Badrudiin Al-Xuuti

Wasaarada arrimaha gudaha ee Xuutiyiintu ayaa baahisay warka la xiriira geerida Ibraahim Alxuuti oo la dhashay hoggaamiyaha kooxdaasi Cabdimaalik Al-xuuti laga helay, waxayna geeridiisa ku eedeeyeen isbahaysiga Sucuudig iyo Imaraadka.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in Maydka Ibraahim laga helay Guri ku yaal magaaladda Sanca. dilka ka dib, xuutiyiintu waxay ciidamo tiro badan geeyeen daafaha iyo xaafadaha magaaladda Sanca.

Xuutiyiinta Yemen oo xiriir la leh dowladda Iiraan ayaa gacanta ku haya inta badan wadanka Yemen oo ay ku jirto Caasimadda Yemen tan iyo sanadkii 2014kii.

Dhinaca kale, waxaa maalintii Saddexaad iskahorimaad ku dhexmarayaa magaalada Cadan Ciidamada Madaxtooyada Yemen iyo Maleeshiyaadka kooxaha gooni u goosadka ah ee koonfurta Yemen ee taageerada ka helaya dowlada Imaaraatiga.

HORSEEDMEDIA