golis

Puntland oo 7 Degmo ka qabanaysa Doorashada Golaha Deegaanka.

Sida ku cad digreeto kasoo baxday xafiiska Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha, Dimuqraadiyada iyo Federaalaynta Puntland Maxamed Dhabancad, waxaa lagu shaaciyay in 7 degmo oo ka tirsan Puntland kuwaas oo isugu jira heerarka B iyo C loo qaban doono dooraashadii golayaasha deegaanka.

Magaalooyinka Xarfo, Isku shuban, Ufayn iyo deegaano kale oo badan ayaa ka mid ah meelaha doorashadaas laga qaban doono. Bilaha 8aad, 9aad iyo 10aad ayaa la rajaynayaa in lasoo gabagabeeyo doorashooyinkaas.