golis

Qaramada Midoobay oo ka hadashay Doorashada Jubaland.

Qaramada Midoobay ayaa ammaantay sida ay u socdaan howlaha doorashooyinka dowlad goboleedka Jubbaland, waxayna ka tigtay faro-gelin.

Ergeyga gaarka ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan aayaa isaga oo ku hadlaya afka;ciidamada AMISOM, waddamada Austria, Belgium, Denmark, Midowga Yurub, (EU), France, Germany, IGAD, Ireland, Italy, Kenya, Netherlands, Sweden, UK, Mareykanka iyo xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, wuxu amaanay sida ay u socdaan howlaha doorashada gaar ahaan shaqada guddiga xulista xildhibaannada.

James ayaa intaas ku daray in ay beesha caalamku taageersantahay sida hadda wax u socdaan isaga oo ka digey khal-khal gelin iyo hanjabaad.