golis

Xaaf oo ka tanaasulay Doorashada Galmudug

Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu ka tanaasulay in uu u tartamo xilka madaxweynaha Galmudug, Xaaf waxa uu sheegay in dhibaatada ugu badan ee maamulkiisa ragaadisay ay tahay ka dib markii dadka kasoo jeeda deegaanka ay cagaha ku dhigeen.

‘’Waxaan cadeynayaa in aan ka tanaasulay doorashada madaxtinimada Galmudug, ciddii ay doonaan ha doorteen, laakiin waxaan kula dardaarmayaa in qofka la doorto lala shaqeeyo’’ ayuu yidhi madaxweyne Xaaf.