golis

60 Qof oo Ku Dhintay Shil Ka Dhacay Wadanka Tanzania

Ugu Yaraan 60 qof ayaa la rumaysan yahay inay ku dhinteen shil ka dashay dab qabsaday booyad shidaal siday sida ay booliisku Dalkaasi Tanzania ay sheegeen

Shilkan oo side kale ay ku dhaawacmeen ilia 70 qof ayaa ka dhacay magaalada Morogoro oo 200km dhinaca Galbeed kaga beegaan magaaladda Caasimadda u ah Tanzania ee Daarul Salaam.

Warar aan si rasmi ah loo xaqiijin ayaa sheegay in Shilkan khasaaraha gaystay uu ka dhashay markii ay gadoontay Booyad shidaal siday, taasi oo ay ku yaaceen dad badan oo isku dayay inay shidaalka booyada ka daatay ay dhaansadan, hase yeeshee dab ka dhashay booyada ayaa gubay in in badan oo ka mid ah dadkii halkaasi ku sugnaa

Magaalada Morogoro waxaa mara Wado weyn oo isku xirta Magaaladda Ganacsiga ee Daarul-salaam oo ay ku taalo dekeda ugu dalkaasi iyo Magaalooyinka kale ee dalka iyo wadamada deriska ah.

HORSEEDMEDIA