golis

DF Oo Sheegtay Inay la Xisaabtami Doonaan Afar Shirkadood oo Dayacay Xujayda Somaliyeed

Wasiir Ku-xigeenka Diinta iyo awqaafta Dowladda Federaalka Cismaan Aadan Dhuubow

Wasiir ku-xigeenka diinta iyo awqaafta Soomaaliya Cismaan Aadan Dhuubow oo ku sugan magaaladda Maka ee Sucuudi Carabiya ayaa sheegay inay la xisaabtami doonaan, tallaabana ka qaadi doonaan afar shirkadood oo uu sheegay inay dayaceen xujayda Soomaaliyeed.

Wuxuu sheegay in baabuurtii loogu talagalay xujayda ay raaceen dad aan loogu talagalin, oo dadkii xaqa u lahaa la dayacayo, waxa kaloo uu sheegay in qaar ka mid ah culumadii hoggaaminaysao xujaajta ay khaldadaad sameeyeen.

“Waxaan leenahay shirkadaha khaldamay ee afarta ah, waa xisaabsan yihiin, waana la xisaabtami doonaa haddii eebo idmo, waa wax gardaro ah oo wax aan ku haboonayn xaajiga miskiin ah in dulmi loo gaysto oo haatan loo baahnaa inuu joogo meeshii uu doonayay” Sidaas waxaa yiri Wasiir ku xigeenka Diinta iyo awqaafta federaalka oo la socday xujaajta.

Wasiirku ma sheegin magacyada shirkaddaha uu sheegay inay dayaceen xujaajta soomaaliyeed ee Sanadkan gudanaysaa rukunka xajka.

DF oo Sheegtay in Tallaabo Ka Qaadayso Shirkado Dayacay Xujaajta

Wasaaradda Diinta iyo awqaafta ee Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in tallaabo Laga qaadi doono shirkado ay sheegtay inay dayaceen xujaajta Soomaaliyeed ee Sanadkan gudanaya rukniga xajka

Posted by Horseed Media on Saturday, August 10, 2019

HORSEEDMEDIA