golis

DF oo War Ka Soo Saartay Dadkii Ku Dhiintay Shaqaaqadii Baydhabo

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay shaqaaqadii naxdinta lahayd ee ka dhacday degmada Baydhabo ee gobolka Baay, taasi oo ay ku dhinteen ilia 5 Qof

Warkan qoraalka ah ee ka soo baxay xafiiska wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa lagu sheegay in aanan marnaba la aqbali karin sii socoshada dagaal beeleedyada khatarta ku ah xasilloonida iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa looga tacsiyadeeyey  maamulka Koofur Galbeed dhibaatadii ay ku dhinteen dad gaaraya 5 ruux ee ka dhacday magaalada Baydhaba.

Dhinaca kale, Madaxweynaha maamulka koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa amar ku bixiyay in awn wax hub ah Lala dhexmari karin magaaladda Baydhabo. Isagoo madaxweynuhu ka hadlayay dilka ka dhacay Baydhabo ayuu sheegay in side ugu dhaqsiyaha badan loo soo qaban doono kuwii ka dambeeyay dilkaasi.

HORSEEDMEDIA