golis

Axmed Karaash ” Puntland laguma aqoon beelo shira “

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi cismaan karaash oo dadwaynaha kala hadlay Faagaare Saalada ciida lagu tukanayo ayaa soo hadal qaatay shirar iyo kulamo ay maalmihii danbe yeelanayeen qaar ka mid ah beelaha degga deegaanada Puntland.

“Puntland caado uma aha in beelo shir shiraan, xukuumaddu waxay diyaar u tahay in wixi tabasho qaba ay qanciso” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Puntland.