golis

Ciidamada Oo Howlgal Qorsheysan ka fuliyay deegaanka Shaam ee G/Shabeellaha Hoose.

Ciidammada Milateriga dowladda federaalka Soomaaliyeed ayaa Howlgal Qorsheysan waxa ay ku qaadeen deegaanka Shaam ee dhaca galbeedka inta u dhaxeysa Bariire iyo Awdheegle.

Taliyaha Ciidammada Dhulka General Odowaa oo warbaahinta dowladda la hadlay ayaa sheegay in Weerarkan oo qorsheysanaa ay saaku ku qaadeen maleeshiyaadka Alshabaab, jab xoogan ay u geysteen Mal

“Waxaan Howlgal Qorsheysan ku qaadnay deegaanka Shaam ee dhaca galbeedka inta u dhaxeysa Bariire iyo Awdheegle waxaana jab xoogan ugu geysannay Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo iyagu u bareera had iyo jeer daadinta dhiigga iyo dhacca xoolaha shacabka soomaaliyeed, annagoo la wareegnay gacan kuheynta deegaankaas.”

Ciidamada Kamaandooska Dowladda Federaalka ayaa dhawaan Kooxda Alshabaab kala wareegay Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

HORSEEDMEDIA