golis

Madaxda Puntland oo Ka Hadashay Tabashada Beelaha Puntland ee Maamulka

Madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka Puntland Dowladda oo shacabka weynaha caasimadda Garoowe kula oogey salaadda ciidul Adxaha ayaa ka hadlay tabashooyinka iyo guux ka soo yeeraya qaar ka mid ah beelaha Puntland

Wuxuu ugu baaqay Shacabweynaha Puntland inay ilaashadaan nabadgelyadooda iyo isku duubnimadooda,

“Puntland waxaa lagu dhisay isku duubni, wadatashi iyo dulqaad intaaba Puntland hadda waa looga baahan yahay, waxaa looga baahan yahay Samir, waxaa looga baahan yahay wadatashi, waxaa looga baahan yahay isu tanaasul, ayuu yiri madaxweyne ku-xigeenka dowladda isagoo sii raaciayay

“waxaynu maqlaynaa in beelaha qaarkood guuxyo iyo waxjiraan, waxaan u sheegayaa Puntland dulqaad bay u baahan tahay, isku duubni bay u baahan tahay, way kusoo caana maashay, Xukuumaddatan aan madaxda ka ahay waxay diyaar u tahay wixii wax qabada inay la fariisato oo qanciso, lakiin caado umalahaan jirin in beelo shir-shiraan oo hadalo soo saaraan, waxana ku boorinayaa xukuumadda in arrintaasi laga hawlgalo” Ayuu yiri

Madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka Puntland waxaa ummada Soomaaliyeed, Gaar ahaan reer Puntland ugu hambalyeeyeen Ciidadul Adxaa, iyagoo u rajeeyay nabad iyo barwaaqo.

Axmed Karaash

#Garowe – Madaxweyne Ku-xigeen Axmed Karaash " Puntland caado uma aha in beelo shir shiraan, xukuumaddu waxay diyaar u tahay in wixi tabasho qaba ay qanciso".

Posted by Horseed Media on Sunday, August 11, 2019

HORSEEDMEDIA

-DHAMMAAD-