golis

Magaalada Qardho oo si wayn looga ciiday.

Shacabka Magaalada Qardho ayaa si wayn ugu dabaaldegay munaasabada Ciidul Adxaa, Maamulka Gobolka Karkaar, Masuuliyiin hore xilal uga soo qabtay Puntland, Saraakiisha Amaanka, Odayaasha Dhaqanka, Ganacsato, Qurbajoog, Dhalinyaro iyo shacab ayaa si wadajir ugu takaday labada rakcadood ee salaada Xarunta Jaamacada Bariga Afrika, Hoolka Beenyada iyo Garoonka Kubada Cagta Qardho.

Madaxda iyo Masuuliyiinta ayaa si wayn maanta ugu hadlay maandooriyayaal kusoo badanaya Magaalada Qardho, waxay sheegeen in shacabka iyo dawlada looga baahan yahay in ay iska kaashadaan sidii loola dagaalami lahaa dadka isticmaala iyo kuwa ka ganacsada maandoriyayaasha.

Ugu danbayn maamulku waxay tilmaameen in talaabo sharci ah waafaqsan laga qaadi doono qof kasta oo lagu helo falal la xiriira mukhaadaraadka.