golis

Yemen: Maleeshiyaadka Imaaraatiga Taageero oo Qabsaday Dekeda Cadan

Maleeshiyaadka kooxaha gooni u goosadka ah ee koonfurta Yemen ee taageerada ka helaya dowlada Imaaraatiga ayaa la wareegay gacanta ku haynta dekeda weyn ee Magaaladda Cadan.

Maleeshiyaadkan oo maalmihii la soo dhaafay dagaal kula jiray dowladda Yemen ee beesha Caalamku taageersan tahay ee fadhigeedu ahaa Cadan ayaa sidoo kale sheegay inay la wareegeen madaxtooyada iyo saldhigyo milateri oo ku yaal magaaladda Cadan.

Dowladda Yemen ee uu hoggaamiye Madaxweyne Cabdirabi Mansuur haadi ayaa ku tilmaamtay qabsashada dekeda Cadan afgembi lagu sameeyay xukuumadda Yemen, waxay kaloo sheegay in dhammaan xarumaha hay’adihii dowladda iyo saldhigyadii milateriga ee cadan ay la wareegeen kooxaha gooni-goosadka yemen

Saraakiisha Maleeshiyaadka gooni u goosadka ayaa wakaaladda wararka AFP u sheegay in iyadoo wax dagaal ahi dhicin ay la wareegeen xarunta madaxtooyada, islamarkaana ay magangaliyeen 200 oo askari oo ilaalo ka ahayd xarunta.

Wakaaladda wararka ee AFP waxay kaloo ka soo warisay Saraakiil reer Yemen in dagaalada ka dhacay Cadan ay ku dhinteen ilia 70 qof oo u badan shacab.

Dhinaca kale, Isbahaysiga Sucuudiga ayaa ku baaqay in xabad joojin la sameeyo, ciidamaduna ay Dib ugu laabtaan xarumahoodii hore, kana baxaan goobaha ay qabsadeen.

Dowlada Imaaraatiga ayaa tababartay, islamarkaana hubaysay kumaankun ka tirsan maleeshiyaadka dhaq dhaqaaqa gooni-isu-taaga Koonfurta Yemen oo doonaya inay ka go’aan wadanka Yemen intiisa kale. Maleeshiyaadkan ayaa markii hore loo tababaray inay ka dhinac dagaalamaan ciidamada dowladda Yemen oo dagaal kula jiray kooxda xuutiyiinta ee gacanta ku haysa caasimadda yemen iyo inta badan wadanka Yemen.

HORSEEDMEDIA