golis

Yemen: Sucuudiga Oo Lagu Eedeeyay inuu Ka Aamusay Dagaaladii Ka Socday Magaalada Cadan

Wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda Caalamku aqoonsan yahay ee Yemen Axmed Al-Mayssar ayaa ku eedeeyay boqortooyada Sucuudiga iyo madaxweynaha Yemen C/rabi Mansuur Haadi, inay ka aamuseen dagaaladii ka socday Magaaladda Cadan 4tii Maalmood ee la soo dhaafay.

Muuqaal uu soo dhigay bartiisa twitterka ayuu ugu hambalyeeyay Imaraadka Carabta guusha ay ka gaareen magaaladda Cadan oo gacanta u gashay Maleeshiyaadka Gooni goosadka koonfurta Yemen oo la wareegay dhammaan Hay’adihii dowladda iyo Dekeda weyn ee Cadan.

Wuxuu sheegay in 400 baabuur oo kuwa gaashaaman oo Imaraadku lahaa lagu soo weeraray ciidamada daacada u ahaa dowladda Yemen.

Dhinaca kale, Boqorka Sucuudiga Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis ayaa magaalada Riyaad kula kulmay madaxweyne Yemen Cabdirabi Mansuur, Labada masuul ayaa ka wada hadlay xaaladaha u dambeeyay ee ka taagan magaaladda Cadan, sidaas waxaa lagu sheegay warbixin lagu qoray wakaalada wararka Sucuudiga ee SPA.

Imaraadka Carabta oo qayb ka ahaa isbahaysiga Sucuudiga ee dagaalka Yemen ayaa la aamisan yahay inuu tababaray oo hubeeyay Maleeshiyaad tiradooda lagu sheegay 90 kun, Maleeshiyaadkan ayaa u badnaa kooxaha gooni goosadka ee doonaya inay dib u soo celiyee dowladii Yementa Koonfureed ee la midoowday Waqooyi Yemen 1990kii.

HORSEEDMEDIA