golis

Ajaaniib Ku Xanibnaa Xeebaha Soomaaliya oo Dalkoodii Dib Loogu Celiyay

Kalluumaysto u dhashay wadanka Thailand oo ku xanibnaa xeebaha Soomaaliya ayaa dalkoodii dib ugu laabtay sida ay wariyeen warbaahinta dalkaasi.

kalluumaystan oo tiradoodu gaarayso 18 qof ayaa 14 ka mid ah waxay ka dhoofeen magaaladda Bosaso maalintii Arbacadii ee toddobaadkii, halka 4 kalena ayaa maalinii shalay ka dhoofeen Garoonka diyaaradaha ee Bosaso, iyagoo maanta gaaray Dalkaasi Thailand iyagoo sii maray Airporka Dubai

Ajaaniibtana ayaa ka howlgalayay dooni kalluumaysi oo lagu magacaabo Wadani 1, taasi oo ka kalluumaysanaysay xeebaha Puntland ee Soomaaliyeed. Wasaaradda shaqaalaha ee dalkaasi Thailand ayaa sheegtay inay baarayso tacadiyo la sheegay in la kulmeen intii ay ka shaqaynayeen xeebaha Soomaaliya, Sidoo kale wasaaradu waxay sheegtay inay baaritaan ku samayn doonto shirkadihii iyo dadkii shaqaalaysiiyay.

shaqaalaha Thailand oo saran doonida Wadani 1

Sarkaal ka tirsan dowladda Puntland ayaa Horseedmedia u sheegay in Kalluumaysatada Thailandiiska iyo ganacsatadii Soomaalida ee ay u shaqeeynayeen ay isku khilaafeen mushaharkii iyo lacagihii hore loogu ballanqaaday, taasi oo keentay inay diidaan inay shaqeeyaan, iyagoo in muddo 8 bilood ah ku xayirnaa xeebaha Puntland.

Dib u celinta ajaaniibtan u dhashay waxaa iska kaashaday hay’adda IOM xafiiskooda Bosaso iyo dowladda Puntland.

HORSEEDMEDIA