golis

Jabuuti iyo Kenya oo ku tartamay kursi ka mid ah Golaha Amaanka Qaramada Midoobay.

Kenya iyo Jabuuti ayaa ku loolamaya kursi ka bannaan xubnaha aan joogtada ahayn golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, labada dal waxaysan jawaab ka bixin baaqyo ay isku direen oo la xiriira inuu midba midka kale u tanaasulo.

Labadaan dal ayaa codsiyadooda la xiriira danaynta kursigaan u gudbiyay Qaramada Midoobay iyo Ururka Midawga Afrika.

Balse labada dal midka ku matalaya kursiga Afrika, waxaa bishan go’aamin doona ururka Midowga Afrika.