golis

Nin u dhashay Dalka Kenya oo lagu dilay Magaalada Boosaaso.

Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa Lagu dilay Nin Ajnabi ah oo u dhashay Dalka Kenya, Kaas oo u shaqeynayay Shirkad Kaluumeysi oo ku taal isla Magaalada Boosaaso.

Ninka dilka gaystay ayaa la sheegay in uu ahaa Askari ilaalo u ahaa Ninkaan u dhashay Dalka Kenya, Taliska Qaybta Gobolka Bari ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen Askarigii dilka gaystay.