golis

Qarax nooca dhulka lagu aaso ah oo ka dhacay Magaalada Boosaaso.

Qarax nooca dhulka lagu aaso ah ayaa ka dhacay Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, Qaraxaan ayaa ka dhacay Agagaarka Hotelka Boosaaso gaar ahaan meel u dhaw goob ganacsi.

Dad goobjoog ka ahaa waxay Horseed Media u xaqiijeen in Hal Askari ku dhaawacmay goobta, weerarkana lala eegtay gaari ciidan.

Qaraxaan ayaa laga maqlayay Magaalada Boosaaso inteeda badan, laamaha amaanka ayaana weli wax war ah kasoo saarin.

Wixii warar ah ee soo kordhaha waxaan kusoo daabici doonaa warkeena danbe.