golis

Cabdiraxman Cirro ” Inaad saamo jiidiyo Sanqadh-tirasho kala daa”

Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Cirro ayaa ka hadlay sawir ay ka wada muuqdaan Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo xubnaha ka tirsan xukuumadiisa iyo Wasiiro ka tirsan Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa halku dhig ka dhigtay ” Inaad saamo jiidiyo san-qadasho tiro kala daa” isagoo oo sii micnaynaya ayuu yiri ” Marka waxay ila tahay dee waa cadahay een shacabka reer Somaliland waa reer Somaliland, Anagu waa Soomaali wayn oran wayno laakiin ficilkooday ka muuqataa”