golis

Iraq iyo Iran oo ka digay in Israel faraha lasoo gasho xiisada Khaliijka

Dowlada Ciraaq ayaa sheegtay inaysan ogolaan doonin in Israel ay qeyb ka noqoto xulafada Maraykanka ee doonaya in Maraakiib dagaal usoo diraan Marinka Hormus ee u dhaxeeya dalalka Khaliijka iyo Iran oo ay xiisad weyn ka taagan tahay.

Maraykanka ayaa bilihii lasoo dhaafay sare u qaaday ciidamada ka jooga gobalka isagoo sheegay in Iran ay khatar ku tahay Maraakiibta marta marinka Hormus, Washington ayaa dooneysa in xulafadeeda ay kala qeyb qaataan hawlgalada ay halkaasi ka wadaan.

Warar ay baahiyeen todobaadkii tagay warbaahinta Israel ayaa lagu sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibada ee Israel uu ka sheegay shir ay xukuumadiisa yeelatay in Israel ay ka caawineyso Maraykanka dhinaca sirdoonka iyo hawlgalada ka socda Marinka Hormus.

Wasaarada Arrimaha Dibada ee Iran ayaa iyaduna Jimcihii lasoo dhaafay sheegtay inay u arki doonto duulaan hadii ay nawaaxiga baddeeda iyo marinka Hormus ku aragto ciidamada Israel.

Xiisada Khaliijka ka taagan ayaa keentay in dalalka Sacuudiga, Imaaraatiga iyo Israel oo kamid ah xulafada Maraykanka ay bilaabaan dhaq dhaqaaq militari oo lagu sii cadaadinayo Dowlada Iran oo ay xiligan saaran tahay Cunaqabateyn dhaqaale.

Horseed Media