golis

Wasiir Bayle ” Dadka Soomaaliyeed waxay u ooman yihiin Nabad waarta iyo dib u heshiin”

Waxaa saacadihii lasoo dhaafay si xoog leh Baraha Bulshadu ku kulanto u haystay sawir ay wada galeen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Wasiiro ka tirsan xukuumadiisa, Wasiiro ka tirsan DFS oo qaarkood ay kasoo jeedaan Somaliland iyo madax kale.

Sawirkaan ayaa dhaliyay hadal hayn iyadoo qofkasta sida ay la tahay u fasirtay, Arinta xiisaha leh ee kulankaan ku jirta ayaana ah in Somaliland ay horay u sheegtay in ay tahay Dawlada Madax-banaan balse weli aan la aqoonsan. Xukuumadihii Soomaray Somaliland waxay qaar ka mid ah muwadiniinta reer Somaliland ugu xireen arimo la xiriira Tegista Muqdisho, Xirashada Calanka Soomaaliya iyo in sawir lala galo madaxda qaarkood.

Wasiirka Maaliyada Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo isagu kasoo jeeda Somaliland ayaa qoraal kooban oo uu daabacay wuxuu ciwaan uga dhigay “Dadka Soomaaliyeed waxay u oomanyihiin Nabad waarta iyo Dib u Heshiin”

Wasiir Bayle ayaa qoraalkiisa ku sheegay in aan loo kala harin isku dhex-jirka iyo midnimada Ummada Soomaaliyeed.

” Farriinta wanaagu ka muuqdo ee ka socota dhammaan Xaajiyaashii Haram-ka ku kulmay waxay muujineysaa in aan loo kala harin is ku dhex jira, midnimadooda, iyo rabitaanka ummada Soomaaliyeed ee wada noolaasha iyo wadajir wax u qabsiga taas oo aas-aasi u ah nabad waarta iyo guul aan gaarno”

Sidoo kale Wasiir Bayle wuxuu tilmaamey in ay muhiim tahay in loo dhaqaaqo dib u heshiin dhab ah ayna mjdan tahay in arinkaan la garwaaqsado ” Aynu dhammaanteen garwaaqsano inaan u dhaqaaqdo ugu dambeyntii dib-u-heshiisiin dhab ah oo macno inoo leh, isla markaana bulshadeena u horseedda barwaaqo iyo midnimo”