golis

Wasiirka Kalluumaysiga Oo Beeniyay in Badmaaxiin Reer Thailand ah Lagu Adoonsaday Puntland

Wasiirka Kalluumaysiga iyo khayraadka badda Puntland Faarax Cawaasha oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa beeniyay in tacadiyo iyo adoonsi lagu kacay shaqaale ajaaniib ah oo u dhashay wadanka Thailand, kuwaaso ka u shaqaynayay shirkadda Kalluumaysi oo uu leeyahay Ganacsade reer Puntland.

Wuxuu sheegay in shaqaalaha reer Thailand ay cabasho ka keeneen heshiiskii ay la galeen ganacsadaha, kadibna ay codsadeen in dib loogu celiyo wadankoodii.

” shaqaalaha Thailandiisku waxay ahaayeen 18, Markab nin ganacsato oo muwaadin reer Puntland aha ayay ka shaqaynayeen, iyagaa heshiis soo wada galay, shaqadii ayay cabasho ka keeneen, waxayna codsadeen in dalkoodii lagu celiyo, diyaarad ayaa laga saaray Bosaso, Arbacadii hore 14 ayaa la qaaday, 4 kalena waa laga dabageeyay”

Shaqaalaha ajaaniibta ayaa muddo 8 bilood ku sugnaa Xeebaha Puntland ayaa dib u celintooda waxaa iska kaashaday Hay’adda IOM, Safaaradda Thailand ee Nairobi iyo dowladda Puntland.

Wasaarada shaqada iyo shaqaalaha dalka Thailand ayaa sheegtay inay baaritaan ku samaynayso heshiiskii ay shaqaalahan ku tageen Somaliya iyo taciyadiyada iyo dhibaatooyinka ay sheegteen inay kala kulmeen dadkii ay shaqaynayeen.

Dhinaca kale, Wasiirka Kalluumaysiga Puntland, wuxuu ka hadlay nin u dhashay wadanka Kenya oo shalay lagu dilay Magaaladda Bosaso. Ninkan ayaa u shaqaynayay shirkadda kalluumaysig oo lagu magacaabo Ocian. Wasiirku wuxuu sheegay in shirkadaasi aysan ka diwaangashaneen wasaarada, ayna baarayaan arrintaasi.

Ninkana Keynayan-ka ayaa waxaa dilay askari waardiye ka ahaa shirkadda. ciidamada Booliska ayaa gacanta ku dhigay ninka dilka gaystay.

Puntland oo Ka Hadashay Ajaaniib Ku Xayirnaa xeebaha Puntland

Wasiirka Kalluumaysiga Puntland oo Ka Hadlay 18 shaqaale ajaaniib oo La Sheegay in Tacadiyo Kala kulmeen Soomaalidii ay u shaqaynayeen.

Posted by Horseed Media on Tuesday, August 13, 2019

HORSEEDMEDIA