golis

Wasiiro Ka Tirsan Xukuumada Federaalka oo La kulmay Muuse Biixi

Wasiiro ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa Magaaladda Maka ee Sucuudiga Carabiya waxay kula kulmeen madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Wafti uu hoggaaminayo Oo sandman gudanaya waajibaadka Xajka.

Wasiirada la kulmay Muuse Biixi, waxaa ka mid ah Wasiirkadda Maaliyadda Dowladda Fedraalka Cabdiraxmaan Bayle iyo wasiirka arrimaha dibada Axmed Ciise Cawada, Labadan wasiir ayaa sidoo kale gudanayay waajibaadka xajka ee sanadkan

Wasiirka maaliyadda Federaalka oo qoraal kooban ku qoray boggiisa baraha bulshada ayaa yiri Sidatan:

“Farriinta wanaagu ka muuqdo ee ka socota dhammaan Xaajiyaashii Haram-ka ku kulmay waxay muujineysaa in aan loo kala harin is ku dhex jira, midnimadooda, iyo rabitaanka ummada Soomaaliyeed ee wada noolaasha iyo wadajir wax u qabsiga taas oo aas-aasi u ah nabad waarta iyo guul aan gaarno” ayuu yiri Wasiirku, wuxuuna sii raaciyay

“Aynu dhammaanteen garwaaqsano inaan u dhaqaaqdo ugu dambeyntii dib-u-heshiisiin dhab ah oo macno inoo leh, isla markaana bulshadeena u horseedda barwaaqo iyo midnimo”

Maamulka Somaliland, well Kama hadlin kulanka iyo waxyaabihii looga wadahadlay iyo in uu kulanku ku koobnaa oo kaliya is-bariidin iyo sawir kooxeed in la wadagalo.

Madaxweynaha Somaliland ayaa bilihii u dambeeyay wuxuu ku eedaynayay madaxda dowladda Federaalka ee Soomaaliya inay weerar dhaqaale iyo mid dimblamaasiyadeed ay ku soo qaadeen Somaliland.

HORSEEDMEDIA