golis

Xildhibaanka Ugu da’a wayn Baarlamaanka Cusub ee Jubaland oo Gudoomiye loo doortay.

Sheekh Cabdi Yuusuf Cali oo ah xildhibaanka ugu da’da weyn xildhibaanada Baarlamaanka 2aad ee Jubbaland ayaa noqdey gudoomiyaha ku meel gaarka ah ee Baarlamaanka 2aad ee Jubbaland ilaa inta laga dooranayo Gudoonka cusub ee Baarlamaanka.

Dhanka kale Kismaayo waxaa ka socoto dhaarinta Xildhibaanada cusub oo xalay ay gudigga doorashooyinku ku dhawaaqeen.

Isla Maanta garab kale oo lagu magacaabo garabka badbaadada Jubaland ayaa iyaguna ku dhawaaqay Xildhibaano Cusub, Sidoo kale Qaar ka mida Musharaxiinta Jubaland ayaa iyaguna kasoo horjeestay Baarlamaanka cusub ee lagu dhawaaqay.