golis

Gudiga Dooraashooyinka Jubaland oo ku dhawaaqay Waqtiga doorashada.

Gudigga Madaxa Banaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka jubaland ayaa maanta shaaciyay waqtiga doorashada Gudoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha ay dhacayso.

Gudigu waxay sheegeen in diiwaangelinta Musharaxiinta Gudoonka Baarlamaanka ay noqon doonto 14 bisha Augost, Halka Hadal jeedintuna ay tahay 15ka Bisha Agoosto ugu danbayn Doorashada gudoonka Baarlamaanka ayaa la qaban doonaa 17ka Agoosto.

Hadal jeedinta Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa iyada loo dib dhigay 18ka Agoosto, Halka si rasmi ah doorashada Madaxweynaha Jubaland ay qabsoomayso 19ka Agoosto.

Halkaan ka akhriso jadwalka doorashada

Dhanka kale waxaa maanta iyagana la dhaariyay Xildhibaanadii baarlamaanka ee garab kale oo ay hormuud ka yihiin siyaasiyiin sheegay in ay midaysan yihiin badbaadada Jubaland.

Xaalada Siyaasadeed ee Jubaland ayaa kacsan waxaana indhaha lagu hayaa halkuu u ka danbayn doono khilaafka Musharaxiinta qaar iyo hogaanka jubaland u dhaxeeya.

Dawlada Federaalka ayaa iyada lagu dhaliilay in ay faragelin ku hayso doorashada Jubaland, waxaana horay uga digay qaar ka mida maamulada dalka ka jira, horay warqad uga soo baxday wasaarada Arimaha gudaha DFS ayaa waxaa shuruudo lagu xiray doorashada Jubaland qabsoomideeda, iyada oo DFS sheegtay in hadii aan la marin hanaanka aysan aqoonsan doonin doorasho ka dhacda Jubaland.