golis

Hong Kong: Booliiska oo awooda u adeegsanaya Kooxaha Mudaharaadka wada

Kumanaan Shacabka reer Hong Kong oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay banaanbaxa ka dhex waday Madaarka (Hong Kong Airport) ayaa xalay weerar kala hortagay booliiska oo isku dayey inuu xoog halkaasi uga saaro shacabka gadoodka wada.

In badan oo kamid ah Duulimaadyadii Isniintii iyo Salaasadii ayaa baaqday kadib markii madaarka ay soo buuxiyeen shacab ka mudaharaadaya maamulka Hong Kong ee hoostaga dowlada China oo ay codsanayaan inuu xilka isaga dego, banaanbaxyadan oo todobaadyadii lasoo dhaafay ka socday bartamaha magaalada Hong Kong ayaa la sheegay inuu dhaawac weyn u geystay ganacsiga magaaladaasi.

Saaka oo Arbaca ah ayaa la sheegay in Madaarka dib loo furay isla markaana halkaasi baneeyeen inta badan banaanbaxayaasha iyo booliiska ku dhex dagaalamay Airporta habeenimadii xalay, balse maanta gelinka danbe ayaa laga cabsi qabaa in halkaasi ay markale ka dhacaan iska horimaadyo u dhaxeeya shacabka iyo Booliiska.

Dhinaca kale dowlada China oo ciidamo soo dhoobtay xaduuda Hong Kong ayaa ku goodineysa inay ciidamadeeda militariga usoo diri doonto magaalada Hong Kong hadii maamulka magaaladaasi uu tabar u waayo xakameynta banaanbaxyada.

Mudaharaadkan ayaa bilowday kadib markii maamulka Hong Kong uu soo saaray sharci cusub oo ogolaanaya in shacabka reer Hong Kong ee danbiyada loo heysto loo gacan gelin karo dowlada dhexe ee China, walow mooshinkii sharcigaasi lagu ansixin lahaa ay fashiliyeen shacabka oo bilaabay banaanbaxyo balaaran oo ay gudaha ugu galeen xarunta Baarlamaanka.

Xiisadan iyo banaanbaxyadan socda asbuucii 11aad ayaa salka kuhaya shacabka reer Hong Kong oo muddo dheer kusoo hoos noolaa maamulkooda u gaarka ah ee dimuquraadi ah ayaa hada ka cabsi qaba in dowlada China ay dhulkaasi ka dhaqan geliso sharciyo cusub oo lagu xakameenayo xaquuqda ay leeyihiin.

Horseed Media