golis

Muhimadda ay leedahay dhalinyarada oo ka qaybqaata dhismaha nabadda iyo ka fogaanshaha rabshadaha

Waxaa la isku raacsan yahay in xilliga dhalinyaranimadu uu yahay fursadaha ugu qaalisan ee bini’aadamka soo mara, waana marka ugu wanaagsan ee qofku dhisan karo musatqbal wanaagsan.

In badan oo kamid ah dhalinyarada Soomaaliyeed waxaa soo wajahay dhibaatooyin waaweyn oo dhaawac u geystey maskaxdooda, taas oo keentey in ay qayb ka noqdaan colaadaha dalka ka dhacaya ayna yihiin kuwa ugu badan ee loo adeegsado rabshadaha. Haddaba si looga faa’ideysto xoogga dhalinyarada isla markaana loogu jiheeyo mustaqbal wanaagsan loogana fogeeyo ka qayb noqoshada rabshadaha iyo colaada, waxaa muhim ah in ay qayb ka noqdaan nolosha iyo maamulka bulshada, ayna ciyaaran door wanaagsan oo ah dhisamaha nabadda.

Bulsho kasta waxay ku faantaa xoogga dhalinyarada ee dalkeeda u soo kacaya ,sidaas darteed waxaa muhim ah in dhalinyaradu xoogooda u adeegsadaan dhisamaha dalkooda.

Su,aasha u weyn ee qofkasta is weydiinayo ayaa ah dhalinyarada Soomaaliyeed maxay u diyaarsheen dalkooda marka laga hadlaayo dhismaaha nabadda taabbo gelin nolol wanaagsan iyo kamid noqoshada horseedayaasha badhaadhaha dalka, jawaabta waxaa laga sugayaa qofkasta oo dhalinyaro ah?

Barnaamijka Safarka Nabadda

Faadfin Horseed Media