golis

Puntland oo Ka Qaybgashay Shirka wada-tashiga Wasaaradaha Boostada iyo Isgaarsiinta Federaalka iyo Dawlad-goboleedyada

Wasiirka warfaafinta iyo isgaarsiinta dowladda Puntland Cali Xasan Axmed Sabarey  ayaa magaaladda Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed kaga qaybgalaya shirkada wadatashiga wasaaraddaha isgaarsiitanta iyo Boostaha ee dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Shirkan oo ay soo qabanqaabisay dowladda federaalka, waxaa maalintii shalay furay madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis Laftagareen, waxaana looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin qiimeynta waxyaabaha ka qabsoomey kulamadii hore ee shirka iyada oo sidoo kale lagu dersi doono caqabadaha jira isla markaana lagu qorsheynayo qodobada mudnaanta iyo muhiimadda gaarka ah u leh dalka gaar ahaan dhinaca Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda.

Sidoo kale waxaa lagu soo bandhigay qorshaha xili-kordhinta mudada waxqabadka Mashruuca Taakuleynta Isgaarsiinta iyo Mashruuc ballaaran oo dhinaca tiknolojiyadda ah oo isku xiri doona qaar kamid ah wadamada geeska Afrika gaar ahaan dalalka Itoobiya, Eretereya, Jabuuti, Kenya iyo Dalkeena.

Shirkan oo mudo seddex Maalmood ah ka socon doona Magaalada Baydhabo ayaa waxaa kale oo ka soo qeybgalay ka faa’iideystayaasha Mashruuca Taakuleynta Isgaarsiinta sida Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed.

HORSEEDMEDIA