golis

Saciid Xasan Shire oo ka hadlay arrimaha doorashooyinka Jubbaland

Gudoomyihii hore ee Baarlamaanka Puntland Saciid Xasan Shie oo la hadlay Warbaahinta Daljir ayaa ka hadlay dhaq-dhaqaaqa ay Puntland ka wado Sanaag ee ka dhanka ah Somaliland, arrimaha doorashooyinka Jubbaland iyo sida ugu macquulsan ee Puntladn looga hir gelin karo nidaamka xisbiyada badan

Saciid Xasan Shire ayaa sheegay in khilaafka ka taagan Jubbaland ay daba ka riixeyso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, taasi buu yiri in dowladda ay rabto in Jubbaland ay marsiiso wadadii ay horey u soo marsiisay maamulka koofur Galbeed Soomaaliya.

Mar uu soo hadal qaaday Saciid Xasan Shire dhaq-dhaqaaqa Puntland ay ka wado gobolada Sanaag iyo Haylaand ee ka dhanka ah Somaliland ayuu yiri: Waa la iska dhifaacayaa cidii ku soo xad gudubta dhulka Puntland

Siyaasi Saciid Xasan Shire ayaa sheegay in xukuumadda haatan jirta ee uu madaxweynaha ka yahay Dr.Saciid Cabdullahi Deni ay macquul tahay in Puntland ka hir geliso nidaamka xisbiyada badan oo looga gudbi karo nidaamka ku saleysan qabiilka

Ugu dambeyn Mudane Saciid Xasan Shire ayaa shacabka Puntland iyo xukuumadda ugu baaqay in gacma is qabsadaan oo meel si wada jir ah uga soo horjeestaan cadowga Puntland, isla markaana laga shaqeeyo hormarka Puntland iyo kan Soomaaliya