golis

Ypeer oo Qardho ku qabatay xustay Maalinka Dhalinyarada Aduunka.

Qardho waxaa maanta laga xusay Maalinka Dhalinyarada Aduunka ee 12ka August, Xuskaan oo ay soo qaban-qaabisay Dalada Ypeer waxaa lagu wayneeyey maalinkaan 3 shaqo oo kala ah, Dhir beeris lagu sameeyay wadooyin cusub oo Qardho laga hirgelinayo, Kulan Kubada Cagta ah iyo Hadiyado la gudoonsiiyay Dalada Dhalinyarada Gobolka Karkaar ee ( Keynet) .

Ciyaar lagu Xusayo Maalinka Dhalinyarada Aduunka ayaa ka dhacday Garoonka Boobe Stadium ee Magaalada Qardho, Kulankaan ayaa dhex-maray 2 naadi oo ka tirsan Gobolada Nugaal iyo Karkaar.

Hay’ada YPEER oo iskaashi la leh Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha iyo Hay’ada UNFPA ayaa soo qaban-qaabiyay, Dhalinyarada Ciyaaraha Gobolka karkaar ayaana fudaydiyay.

Gudoomiyaha Gobolka Karkaar Saciid Maxamed Faahiye, Isuduwayaal ka tirsan Wasaaradaha Dawlada, Masuuliyiinta Ypeer, Dhalinyaro iyo shacab ayaa ka qaybgalay kulankaan.