golis

Ciidamada Baakistaan iyo Hindiya oo Ku Dagaalamay Kashmiir

Shan askari oo ka tirsan ciidamada iyo saddex askari oo Baakistaniyiin ah ayaa ku dainty madaafiic iyo rasaas ay iswaydaarsadeen labada ciidan xuduud kala qaybisa ee Gobolka Kashmiir.

Afhayeen u Hadley ciidamada Baakistaan Gen Asiif Chafoor ayaa sheegay in Ciidamada Hindiya ay Kordhiyaan madaafiicda ay ka soo ridayaan dhinaca Kashmiir ee Hindiya Maamusho

” Saddex askari ayaa naga shahiiday, ciidamada Baakistan jawaab ayay ka bixiyeen, Saddex askari ayaa la dilay, tiro badan waanu ka dhaawacnay” ayuu yiri Afhyeenku

Dowladda Hindiya weli kama hadlin dagaalka dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwo Baakistaan

Xiisada gobolka Kashmiir ayaa weli kacsan kadib markii dowladda Hindiya ay laashay Qodobka 370 ee dastuurka dalkaasi ee u fasaxay gobalka Kashmiir ismaamul u gaar ah.

HORSEEDMEDIA