golis

Hay’adda Kaalo oo kulan wacyigelin ku qabatay Qardho.

Tababarkaan oo ay kasoo qaybgaleen dadka deegaanka iyo qaxootiga ku dhaqan magaalada Qardho ayaa diirada lagu saarayay tacadiyada ku dhaca haweenka iyo sida looga hortagi karo, in ku dhaw  50 qof ayaa ka faaidaystay tababarkaan oo socday hal maalin.


 Isku duwaha Arimaha Bulshada Dawlada Hoose ee degmada Qardho  faarax xidig, Gudoomiyaha haweenka Degmada Qardho Cambaro shirdoon iyo Masuuliyiinta Hay’ada Kaalo ayaa goob-joog ka haa tababarkaan.


Cabdijaliil Cismaan oo ka tirsan Kaalo waxa uu sheegay in casharadaan looga gol-leeyahay sidii loo kobcin lahaa fahanka iyo garaadka dadka qaxootiga ah, kuwa deegaankana loo bari lahaa sida loo dhawro xaquuqda dadka qaxootiga ah.

Ujeedada ugu wayn ay tahay in la abuuro jawi is dhex-gal iyo wada-noolaasho ah.
Canmbaro Shirdoon iyo Faarax Xidig waxay ku bogaadiyeen Hay’ado kaalo dadaalada ay wado iyo masuuliyada ay iska saartay difaaca iyo ilaalinta xuquuqda dadka qaxootiga ah.

Tababarkaan waxaa fulinayay hay’ada Kaalo, waxaana maalgelinayay hay’ada Qaxootiga Aduunka ee UNHCR.