golis

Ilhan Cumar iyo Rashida Tlaib oo Booqanaya Qudus

Ilhan Cumar iyo Rashiida Tayib oo ka tirsan Aqalka Kongrayska Maraykanka ayaa la filayaa in Maalinta jimcaha ay ka dagaan Isreal, sida ay laga soo xigtay warbaahinta dalkaasi.

Wargayska Israel Hayom ayaa sheegay in labada gabdhood oo la filayay inay yimaadeen maalinta Axada aya bedeleen jadwalkoodii si ay u Marin habaabiyaan dowladda Isreal.

Labadan xildhibaan owaxaa ku ku soo biiro doona xubin saddexaad ayaa booqan doono magaalooyinka Qudus, Ramalah iyo magaaladda Baytulaham iyo Heron oo ay qoyskeedu ka soo jeedaa xildhibaan Rashiida Tayib

Ra’isul wasaaraha Isreal Benyamin Netanyaho ayaa si weyn uga horjeeday inay labada gabdhood yimaadaan Isreal, isagoo ku eedeeyay inay taageeraan ololaha lagu mamnuucayo wax-soosaarka Yuhuuda la dejiyay dhulka la hays ee Falastiniyiinta.

Gabdhahan ayaa ah labada xildhibaan ee Muslimiinta ah ee ku jira Kongarayska Maraykanka ayaa si weyn u taageera qadiyada reer Falastiin ay ku doonayaan inay helaan dhul iyo dowlad u gaar ah.

HORSEEDMEDIA