golis

Khayre oo Cisbitaalka Ku Booqday Askartii Dhaawacyadu Ku Gaareen Weerarkii Alshabaab ee Awdheegle

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Xasan Cali Khayre ayaa isbitaalka ku booqday askarta ka tirsan ciidanka federaalka ee shalay ku dhaawacmay weerarkii alshabaab ku qaaday saldhigga ciidanku ay ku leeyihiin degamada Aw-dheegle ee gobalka Shabeellada Hoose.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa maamulka Isbitaalka ka xog wareystay xaaladda caafimaad ee ciidanka naftood hurayaasha ah ee ku soo dhaawacmay ilaalinta iyo badbaadinta nafta iyo maalka ummadda Soomaaliyeed.

Askarta isbitaalka ku jira oo qaba dhaawacyo fudud ayaa Ra’iisul wasaaraha uga mahadceliyay booqashada iyo dhiirri gelinta waxa ayna ballan qaadeen in marka ay soo bogsadaan ay si dhaqsa ah dib ugu laabanayaan furimaha dagaalka si ay qayb uga qaataan xoreynta dalka oo dhan.

Mudane Xasan Cali Khayre oo ciidanka dhaawcyada qaba u rajeeyay in ay si dhaqsa ah u boqsoodaan ayaa askartii ku shahiidday difaacidda qaranimadda Soomaaliyeed Allaha uga rajeeyay in uu Shahiidnimadooda ka aqbalo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa guud ahaan saraakiisha iyo ciidamada qalabka sida ee furumaha dagaalka jooga uga mahadceliyay dadaallada isdaba joogga ah ee ay ugu jiraan waxa uu ugu yeeray soo afjaridda kooxaha argagaxisada ah ee caadeystay gummaadka ummadda Soomaaliyeed.

HORSEEDMEDIA