golis

Madaxweynaha Puntland oo Xilal cusub magacaabay.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdilaahi Deni ayaa digreetooyin uu soo saaray waxa uu ku magacaabay Agaasimayaal waaxeedyo ka tirsan Wasaarada Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyada Puntland, Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu magacaabay Madaxda Maxkamada Gobolka Mudug.

Madaxweyne Ayaa 3 Agaasime waxeed u magacaabay Wasaarada Arimaha Gudaha kuwaas oo kala ah:-

  1. Waxaa Beexaani Axmed Bare loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Daryeelka Bulshada ( IDPs and Rufugee) .
  2. Waxaa Hodon Saciid Xasan loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Dimuqraadiyeenta.
  3. Waxaa Cabdulqaadir Cabdimaalik loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Nabadeynta Iyo Dib u Heshiisiinta.

Sidoo Kale Madaxweyne Saciid Cabdilaahi Deni waxa uu magacaabay Gudoomiyaha Maxkamada Racfaabka Gobolka Mudug, Gudoomiyaha Maxkamada Derajada Koowaad ee Degmada Gaalkacayo, Xeer ilaaliyaha Gobolka Mudug iyo Garsoorayaal Maxkamadeed sida ku cad digreetada Hoose.