golis

Maxay ka wada hadleen Waftigii Beesha Caalamka iyo Madaxweynaha Jubaland.

Maanta magaalada Kismaayo ee xarunta kmg ah ee Jubbaland waxaa soo gaarey wafdi kasocda beesha caalamka sida IGAD, Safiirka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Taliyaha guud ee Amisom iyo ergayga qaramada midoobey oo asagu hogaaminayey wafdiga.

Wafdigan ayaa ugu horeyn kulan la qaatey Madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam kulankaas oo lagaga wada hadley hanaanka ay u socoto doorashada Jubbaland iyo sidii ay u noqon laheyd doorasho xor iyo xalaal ah, lagana fogaado waxkasta oo keenaya fawdo iyo amni darro.

Ergayga qaramada midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa madaxweynaha Jubbaland ka codsadey in fursad la siiyo musharaxiinta mucaaradka si ay isu diiwaangeliyaan ugana qeybgalaan doorashada iyo in wax ka badal lagu sameeyo shuruuda lagu xirey musharaxiinta u tartameysa xilka madaxweynenimo ee Jubbaland.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa wakiilka u sheegay inuusan asagu sharciyad u laheyn wax ka badalka jadwalka doorashada gudiga doorashaduna ay leeyihiin sharciyadda wax kabadalka jadwalka doorashada iyo hanaan socodkeeda.

Wafdiga ayaa kulan la qaadanaya gudiga doorashada Jubbaland ayagana laga sugayo jawaabta codsiga wakiilka qaramada midoobey ee wax ka badalka jadwalka doorashada.

Wafdiga ayaa sidook ale kulan la qaatey Xildhibaanada labada aqal ee DFS ee shaley soo gaarey magaalada Kismaayo ee xarunta kmg ah kuwaas oo wakiilka qaramada midoobey u sheegay in Doorashada Jubbaland si wanaagsan u socoto ilaa hadda laakiin ay DFS faragelin qaawan ku hayso uguna talo gashey in qalalaaso iyo amni darro ka dhacdo Kismaayo.

Shaley ayay ahayd markii isla jawaabtan la siiyey saraakiil ka socday dowlada Itoobiya oo Madaxweynaha Jubbaland ka codsadey furitaanka jadwalka doorashada iyo in xayiraada laga qaado xubnaha xukuumada DFS oo ay Jubbaland ka mamnuucday inay garoomadeeda kasoo degaan inta doorashadu ka dhaceyso.