golis

Dowladda Federaalka Oo War ka Soo Saartay Arrimaha Doorashooyinka Jubbaland.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya oo War saxaafadeed ka soo soo saartay doorashooyinka iyo madaxtinimada Jubbaland ayaa sheegtay in doorasho kasta oo Jubbaland ka dhacda oo baalmarsan dastuurka Federaalka ay tahay waxba kama jiraan,

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa ku baaqday in la qabto shir dib u heshiisiin dhab ah oo ay ka qeyb galaan dhammaan bulsho weynta Jubbaland.

Warsaxafadeedkan ayaa imaanaya iyadoo maanta magaaladda Kismaayo Lagu doortay guddoomiyaha Barlamaanka Jubbaland iyo Labadiisa ku-xigeen, islamarkaa dib loo dhigay doorashada madaxweynaha iyadoo lagu daray saddex maalmood oo dheeraad oo musharixiinta aan weli isdiwaangalin ay shuruudaha ku soo buuxiyaan.

HORSEEDMEDIA