Fursadaha iyo Caqabada Guddiga Doorashooyinka Puntland horyaala

Published: August 17, 2019
madaxweynaha Puntland oo dhexda uga jira guddiga kumeelgaarka ah ee doorashooyinka

Madaxweynaha Dowladda Puntland ee Soomaaliya Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhamaystiray Guddiga kumeel-gaarka ah ee doorashooyinka Puntland, guddiga ayaa ka kooban 9 xubnood, waxaana Madaxweynuhu magacaabaa shan xubnood, halka afarta xubnood oo kale ay magacaabaan Golaha Wakiilada ee Puntland, sida uu qabo dastuurka kumeel-gaarka ah ee Puntland, laakiin waxaa soo magacaaba Afhayeenka Baarlamaanka oo la tashada guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiilada.

Maxay tahay shaqada guddigan?

Guddiga kumeel-gaarka ah ee doorashooyinka ayaa shaqadoodu tahay in ay dalka gaarsiiyaan nidaamka xisbiya, waxaana kamid ah shaqadooda ugu weyn.

  • Diiwaan gelinta ururada siyaasadeed
  • Diiwaan gelinta codbixiyaasha
  • Xuduudaha Degmooyinka
  • Qabashada doorashada goloyaasha deegaanka
  • Wacyigelinta bulashada ee arrimaha dimoqraadiyeynta
  • Dib u eegista xeerarka iyo sharciyada doorashooyinka
  • Ku dhawaaqista ururada siyaasadeed ee is-diiwaan geliyey
  • Ku dhawaaqidda maalinta doorashadu dhacayso
  • Ku dhawaaqista natiijooyinka iyo Xisbiyada soo baxay
  • Iyo arrimo kale oo badan

Guddiga ayaa u baahan in la horgeeyo kalfadhiga golaha wakiilada ee Puntland ka hor inta aysan iska dhex dooran guddoomiyahooda, sidoo kale Madaxweynaha ayaa isugu yeeri kara kalfadhi aan caadi ahayn oo lagu ansixinaayo.

Guddigan waxa uu jiritaan beelayaa marka ay qabtaan doorashooyinka goloyaasha deegaanka oo si rasmi ah loo aqoonsado saddexda Xisbi ee ku guuleystey kuraasta ugu badan magaalooyinka ay ka dhacdey goloyaasha deegaanka, habka kale ee ay ku jiritaan beeli karaan ayaa ah iyada oo baarlamaanku cod u qaado kaas oo noqonaya 2/3, ama iyaga oo is casila.

Guddiga saddexaad

Guddiga kumeel-gaarka ah ee doorashooyinka Puntland ee uu ku dhawaaqey Madaxweynaha Dowladda Puntland ee Soomaaliya Siciid Cabdullaahi Deni ayaa noqonaya guddigii saddexaad ee Puntland yeelato waxaana la dhihi wax badan ayey kaga duwanaan karaan kuwii ka horeeyey waxaana muhim ah in laga faa’ideysto fursadaha badan ee ay haystaan.

Ugu horeyn Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu dhaxley guddi uu magacaabey Madaxweynihii ka horeeyey, kuwaas oo wax badan la iska weydiin jirey aqoonta iyo kartida ay u leeyihiin shaqooyinka la xiriira dimoqraadiyeynta, guddigan ayaa waxaa xoojiyey Baarlamaankii xiligaas jirey inaan la beddeli karin ee ay sidooda ku sii jiri karaan. Guddiga uu magacaabey Madaxweyne Cabdiweli Gaas ayaa ku fashilmey si weyn hawlaha loo igmadey waxaana u soo baxdey in aysan sii wada shaqeyn karin Madaxweynaha oo doonaya in uu magacaabo guddi karti u leh arrimaha dimoqraadiyeynta, taas waxay soo dedejisey in guddigaasi tanaasulo oo ay is-casilaan. Arrintan waxay fursad siisey Madaxweyne Deni, fursadda ay siisey ayaa ahayd mid loo qaybin karo labo.

  • In uu soo magacaabo guddi uu la shaqeyn karo kana tarjumi kara himilooyinkiisa
  • In uu xargiga jiido dibna u dhigi magacaabista guddiga doorashada

Waxaa la dhihi karaa Madaxweyne Deni waxa uu ka runsheegay ballanqaadkiisi ku aadaana dedejinta u guuritaanka nidaamka Xisbiyada ku dhisan mar haddii uu sanadkiisi u horeeyey ku magacaabey Guddigii kumeel-gaarka ahaa ee Doorashooyinka Puntland (TPEC), arrintan oo uu kaga duwan yahay labadii Madaxweyne ee ka horeeyey ee isku daydey hirgelinta nidaamkan laakiin lagu fashilay.

Shaqooyinka u horeeya ee Guddiga

Madaxweynaha waxa uu soo magacaabey guddi ka duwan kuwii hore kuwaas oo leh fir-fircooni, khibrad iyo aqoon, markii u horeysey ayaa haweenku ku yeesheen door muuqda hirgelinta nidaamka xibiyada waxaana ay guddiga ku leeyihiin laba xubnood. Guddigan waxay dhaxlayaan hay’ad muddo soo shaqeyneysey taas oo aan ahayn ban-ka-ood, sidoo kale waxay dhaxlayaan khibrad dheer oo gaareysa 8 sano oo fashil ah, waxaana u diyaarsan wax badan, waxaana muhim ah in Puntland la timaado qorshe caalamku ku taageeri karo si geedi socodka hirgelinta nidaamka axsaabtu u noqdo mid hana qaada.

Shaqooyinka u horeeya ee guddigan horyaala ayaa ah in ay doortaan guddooomiye iyo ku-xigeen.

Doorashada guddoomiyaha?

Marka la eego magacyada uu soo saarey Madaxweynaha Puntland waxa muuqata in tartan adag uu ka dhici doono loolanka guddoomiyaha, waxaana isku helay shakhsiyaad leh waayo-aragnimo iyo aqoon, markii hore waxaa si weyn loo saadaalinaayey in Guuleed Saalax Barre uu si fudud ku noqon karo Guddoomiyaha guddiga kumeel-gaarka ah ee doorashooyinka, waxaase arrintaas wax weyn ka bedalay magacyada uu Madaxweynaha Puntland maanta ku dhawaaqey markii uu dhamaystiraayey guddigan, waxaana kamid ah Cabdinuur Isxaaq oo leh aqoon iyo waayo aragnimo durugsan, si weyna ula saanqaadi kara barnaamijka dimoqraadiyeynta, Sahra Jaamac Saalax ayaan dab yar shideyn oo ah qoraa caan ah isla markaana aan fikirkeeda la gabban, si fiicana ugu hadasha afafka Ingriiska iyo Carabiga, haddii aan habka wax-qaybisigu reebin Cabdillaahi Faarax Mire ayaa kamid ah xiddigaha Madaxweynuhu magaacbey oo ah aqoonyahan dhalinyaro ah isla markaana leh fikir hoggaamineed.

Haddii aan Madaxweyne Deni fara gashan doorashada guddoomiyaha guddiga kumeel-gaarka ah ee doorashooyinka sida ay sameeyeen labadii Madaxweyne ee ka horeeyey, waxay noqon doontaa mid adag oo xiiso badan oo ka duwan sida markii hore la saadaalinaayey.

Caqabadaha u waaweyn ee guddiga horyaala

Guddiga kumeel-gaarka ah ee doorashooyinka Puntland waxaa horyaala caqabado badan oo saameyn ku leh shaqadooda. Tallaabada ugu horeysa ee ay qaadayaan ayaa la doonayaa in ay noqoto abuuritaanka kalsoonida shacabka taas oo ay ku muujinayaan in ay yihiin guddi madax banaan la xasaanad ah madaxda dalka u saraysa oo aan cid gaar ah u shaqeyneyn, dib u soo nooleynta wada shaqeynta hay’adaha iyo dalalka Puntland ku taageerayey hirgelinta nidaamka xibiyada badan si barnaamijku u helo dhaqaale ku filan oo lagu hirgelin karo taas oo si weyn u burburtey xiligii Madaxweyne Cabdiweli Gaas.

Waxaa jirata caqabad kale oo aan marna dib loo eegin taas oo ah Dastuurka Puntland iyo kan kumeel-gaarka ah ee Dowladda Federaalka oo wax badan isku-khlaafsan, sida degmooyinka iyo gobolada. Dastuurka Puntland si uu u noqdo dastuur rasmi ah waxaa lagama maarmaan ah in la is waafajiyo isaga iyo kan qabyada ah ee Dowladda Federaalka ka hor inta aan afti lagu anisixn, kadibna lagu asnixiyo afti dadweyne, ansixintii 2012 ee dasteerka waxaa ka qaybqaadey dad lagu sheegay cod xambaarayaal ka kala yimid gobolada iyo shaqaalaha dowladda, inta dastuurka aan lagu ansixin afti dadweyne waxa uu noqonaya kumeel-gaar, lagu dhaqmi karo.

Caqabadaha kale ee waaweyn ee jira ayaa ah Amniga, inkasta oo guud ahaan dalku amni yahay laakiin waxaa hub badan gacanta ugu jiraa dadka shacabka ah kaas oo lagu khalkhal gelin karo amniga, sidoo kale waxaa jira qaar kamid ah ururada xagjirka ah oo xubno dilaa ah ku leh magaalooyinka Puntland.

Ugu danbeyn guddiga cusub ee doorashooyinka Puntland waxay haystaan fursad aysan haysan kuwii hore marka la eego wakhtiga la magacaabey, waxaana hortyaala kitaab ay ka buuxa fashiladii hore iyo hagardaamooyinkii dhacay, waxaana la doonayaa in ay wax ka bartaan kana faa’ideytaan wixii la soo maray, si Madaxweynaha magacaabey ay u fuliyaan himmilooyinkiisa dalkana uu uga tago dhaxal cusub, si looga baxo nidaamka la daa’imey loona yareeyo doorka oday dhaqameedka ee arrimaha siyaasadda.

by ismail haji Said

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *