golis

Ciidanka Danab oo Howlgallo qorsheysan ka fuliyay Gobolka Mudug

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa saaka hawlgal qorshaysan ka wada deegaanka Camaara ee gobolka Mudug, halkaas oo lagu qabtay dad la shaqaynayey maleeshiyada Al-shabaab.

Saaka waaberigii ayay deegaanka soo galeen ciidamadan oo beegsanayey bartilmaameedyo gaar ah, waxaana ay qabteen sadex nin oo la shaqaynayey maleeshiyada xagjirka ah ee Al-shabaab.

Hawlgalka oo wali socda ayay ciidamadu ku baarayaan xaafado ka tirsan deegaanka Camaara oo 85-km woqooyi galbeed ka xigta degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Gudoomiyaha deegaanka Camaara Sh Yuusuf Salaad ayaa warbaahinta dowladda federaalka u xaqiijiyey in hawlgalka weli uu ka socdo deegaanka laguna soo qabtay shaqsiyaad basaas u ahaa xagjirka iyo kuwa ka tirsanaa.

Ciidanka Danab iyo ciidamo kale oo ka tirsan Qaybta 21-aad ayaa dowladda federaalku gaysay qaybo ka mid ah Mudug iyo Galgaduud, kuwaaso ka wado hawlgallo lagula dagaalamayo kooxda Al-shabaab.

HORSEEDMEDIA