golis

Farmaajo: Bisha August Waa 19 tan Guuradii Shirkii Dib-u-heshiisiinta Carta

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Jabuuti ee Caasimadda dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, halkaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyay

Madaxweyne Farmaajo ayaa ajiibay marti qaad rasmi ah oo uu ka helay Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, booqashada Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaana qaadanaysa muddo labo maalmood ah

Qoraal uu bartiisa twitterka soo dhigay madaxweyne Farmaajo, wuxuu sheegay in dowladda Jabuuti tahay Saaxiib iyo xulafo dhow oo qaranka Soomaaliyeed leeyihiin.

Wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay inu Bisha August uu booqdo dalka Jabuuti oo ah bishii la bilaabay shirki dib-u-heshiisiinta Soomaalida ee Carta ee Sanadkii 2000k

Labada Madaxweyne ayaa la filayaa nay wadahadalo ka yeeshaan arrimaha gobolka, xaaladihii u dambeeyay ee dhulka Soomaalida iyo arrimo kale.

HORSEEDMEDIA
.