golis

Kabul: Ugu yaraan 60 qof ayaa lagu diley goob aroos ka dhacaayey dalka Afqaanistan

Qarax aad u weyn ayaa ka dhacay goob uu ka socdey aroos fiidnimadii Sabtida, magaalada Kabul oo ahayd mid aad mashquul u ah. Ugu yaraan 60 qof ayaa goobtaas lagu diley 180 qof oo kalena waa ku dhaawacmeen. Sida laga soo xogtey Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Dad ka badan 1000 qof ayaa goobta ku sugnaa.

Afhayeen u hadley Wasaaradda Arrimaha Gudaha Nusrat Rahimi ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AP in aysan jirin warbixin deg-deg ah oo ay ka soo saarayaan waxa sababay qaraxa.

Ururka Taliban oo caan ku ahaa qaraxyada ka dhaca Kabul ayaa iska fogeeyey masuuliyadda qaraxa.

Dadka qaraxu diley ayaa waxaa u badnaa caruur iyo haween sida uu warbaahinta u sheegay afhayeenka u hadley wasaaradda arrimaha gudaha.

Qaraxyada iyo weerarada ka dhaca goobaha aroosyadu ka dhacayaan ayadalka Afqanistan caan ku ahaa.

Xukuumadda Afqaanistan ayaa wada hadal nabadeed kula jirta ururka Taliban ee hubeysan.

Horseed Media
News Desk