golis

Maxakamadda Sare ee Ciidanka oo xukun dil ku Riday Dable Ka Tirsanaa NISA

Maxkamadda Sarre ee Ciidamada Qalabka ee dowladda Federaalka Soomaaliya oo maanta u fariisatay dhageysiga kiiska rag dilal kaladuwan ku eedeysnaa kadib racfaan ay ka qaateen ayaa dil ku xukuntay Dable ka tirsanaa ciidamada Hay’adda Sirdoonka Soomaaliyeed ee NISA

Dablahan oo Lagu magacaabo C/raxmaan Cali Xasan (Sugow) oo 40-jir ah ayaa ka soo hormuuqday goobta uu fadhiga maxkamdda Sarre ee ciidamada ee ku qaadeysay dacwadaha, waxaana loo heystay dilka marxuum Max”ed Xasan Max’ed, iyadoo ayaa horay xukun dil ah ku sooridday Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida Qeybta 60aad.

Xeer-ilaalinta maxkamadda ayaa horkeentay maxkamdda caddeeymo dheeri ah,qiraal muujinayo in uu galay dembiilaha kiiskii lagu soo ooga,iyo sidoo kale marqaatiyaashii ku maragfurayey eedeysanaha dhammaan waxa ay k hor caddeeyeen in racfaanle C/raxmaan Cali Xasan(Sugow) uu galay dembigaasi.

Intaas kadib Maxakamadda Sarre ayaa ku raacday xukunkii Maxkamadda Darajada 1aad Ciidamada horay ugu xukuntay Dable NISA C/raxmaan Cali Xasan(Sugow) oo ahaa dil toogasho ah,islamarkaana ah qisaasta Marxuum Maxed Xasan Max’ed Weeydhaan.

Dhanka kale Maxkamadda ayaa sidoo kale u fariisatey dacwadda racfaaanle Dable Darwiish Xuseen Cali Macalin Iimaan Gureeyoo,23jir ah iyo racfaanle Dable Xoogga C/waaxid Cali Sheekh Aadan 23jir ah kuwaasoo ku eedeysnaa dilka marxuum Muxudiin Maxamed C/raxmaan kaasoo ka dhacay beer ku taala duleedka magaalada Baydhabo.

HORSEEDMEDIA