golis

Wakiilka Qaramada Midoobey oo walaac ka muujiyey doorashada Jubbaland

James Swan Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya
James Swan Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan ayaa codsi u diray guddiga doorashooyinka Jubbaland waxaana uu ka dalabadey in ay fuliyaan dhammaan qodobadii ay ka dalbadeen beesha caalamka.

James Swan ayaa uga mahad celiyey guddoomiyaha guddiga doorashada Jubbaland Xamse Barre dib u dhigidda doorashada si ay isu diiwaan geliyaan musharixiinta tartameysa ee cabashada horey u keenay.

James Swan waxa uu sheegay in aan wax badan laga fulin dalabkii beesha caalamka, si loogu kalsoonaado doorashada.

“Qoraalkii aan kuu soo dirney 8 Agoosto anaga oo ah beesha caalamka waxaan caddeyney muhimadda ay leedahay hanaan doorasho oo cad la isku waafqasan yahay laguna kalsoonaan karo shacabka Jubbaland ku kalsoonaan karaan”

James Swan

James Swan waxa uu xaqiijiyey in Beesha caalamku aysan aqoonsan doonin haddii aan wax laga beddelin isla markaana la qaadin tallaabooyinkii la iska gartey.

“Haddii guddiga doorashada aanu wax ka qaban arrimaha taagan ee ay ka walaacsan yihiin daneeyaasha ay khuseyso waxaa jirta halis ah in natiijada doorashadu aysan heleyn taageero buuxda taas oo lagama maar maan u ah xasiloonida Jubbaland”

James Swan

Horseed Media – News Desk