golis

Afghanistan: Dowlada oo jawaab ka bixineysa weerarkii Daacish

Dalka Afghanistan oo u debaal degayay xuska Maalinta Xoriyada ayaa galay xuska iyo tacsida weerarkii ismiidaaminta ahaa ee sabtidii lasoo dhaafay kooxda Daacish ku qaaday xaflad aroos.

In ka badan 60 qof ayaa ku dhintay weerarkaasi ka dhacay magaalada caasimada ah ee Kabul.

Madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani ayaa shaaciyey in dowladiis ay u aargudi doonto dadkii ay xasuuqday kooxda ISIS isagoo shaaciyey olole cusub oo lagula dagaalamyo kooxdaasi.

Weerarkii Sabtdii oo ahaa kii ugu khasaaraha badnaa in muddo ah ayaa waxaa sidoo kale cambaareeyey kooxda dalkaasi ka dagaalanta ee Talibanka oo laftooda weeraro ismiidaamin ah dalkaasi ka geysta.

Xaflada la weeraray ayey ku sugnaayeen dad u badan Shiicada dalkaasi ee loo yaqaan Hasara waxaana weerarkaasi sidoo kale ku dhaawacmay in ka badan 180 qof.

Horseed Media
News Desk